Taxanaha doorashooyinka soomaaliya 1960-kii ilaa 15-kii maayo 2022.

Doorashooyin kala xilli ah oo kala marxalado ah  ayaa lagu qabtay soomaaliya      Intii  u dhaxeeysay sanadahii 6-dii luuliyo 1960-kiii   ilaa  15-kii maayo 2022.

Doorashadii ugu horeeysay ayaa dhacday 6-dii juuliyo 1960-kii waxaa loo doortay inuu Dalka hogaamiyo mudane  Adaan Cabdulaahi Cusmaan daar ,kana tirsanaa xisbiggi Leegada ee SYL ayaa ku guuleystay caqlibiyadda ugu badan ee codadka ,doorashada ayaa Ku dhisneed  xisbiyo deegaan doorasho .waxaana dooranayay golaha xildhibaanadda Qaranka .sida ku dhigan sooyaalka taariikhda soomaaliya Aadan Cadde ayaa loo Aqoonsaday madaxweynahii ugu horeeyay ee dalka hogaamiyo ka dib markay soomaaliya Dhidibadda u taagtay  xornimadeeda daleed .

Doorashadii madaxweynahii  2-aad ee dowladda somaaliya oo muddo xileedka ahayd lix Sano waxaa la qabtay 10-kii juun 1967-kii Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ahaa ra’iisul Wasarahii Aadan Cadde ayaa ku guuleystay,waxaana dooranaayeey golaha xildhibaanadda Qaranka .labo sano oo ka arimiyaay dalka ayuu booqasho rasmi ku tagay magaaladda laas Caanood   ee gobalka sool xilligaas oo dalka ka jirtay abaaro sameeeyay Noolashada Bulshada soomaaliyeed,15-kii octoobar  1969 warar aya baahisay raadiyow Mogdishu ayaa Lagu sheegay  in askari ka tirsan  ciidamadda qaranka oo ahaa ilaaladda Qaaska ee Madaxweynaha  si’ bareer ah   u toogtay  una geeriyooday madaxweynaha .

Markii duugtii madaxweynaha dhamaatay golahii dhaxe ee leegada  [SYL]waxuu galay Wadatashi ah qofkii  badeli lahaa madaxweynaha la dilay ,waxaa lagu hishiiyay si’ Waafaqsan dastuurkii 1960-kii  faqradiisa 74-aad in gole shacab  ah la dhiso ka dibne la Doorto madaxweyne cusub oo dalka hogaamiyo .golaha waxay ku balameen 21-ka in  la Qabto doorashada ,balse nasiib darro arintaas ma dhacin waxaa aroortiiba magaaladda Madaxda -dalka iyo dalka intiisa kale qabsatay askar ka tirsan ciidanka qalab sida oo isku Magacawday golaha sare ee kacaanka ,ayaa laalay dasturkii ,awood laanta fulinta ee Golaha Shacabka iyo dhamaan xisbiyadda siyaasadeed .

21-ka octoobar 1969 soomaaliyaa yaa cagaha la gashay xukun kaligii -talisnimo uu Hogaaminayay Maxameed Siyaad Barre ,dal  aan ka jirin sharci  iyo mid xisbiyo Siyaasadeed oo kala aminsan afkaar kala geddisan waxay fajac ku noqotay siyaasiinta sida Qarsoon ugu fakir duwaneed golaha sare ee kacaanka  ka dib  markay ku dhawaqeen Doorasho hal xisbi kaliya oo  u tarmaya  23-kii diseembar  1989-kii  .doorasho  oo u Tartamay kaliya madaxa golaha sare ee kacanka ayaa isku caleema saaray madaxweynimo.

Markay dhacday musiibadii keentay bur burkii dowladnimada  ee soomaaliya waxaa dalka Ka kacay  dagaalo sookeeye iyo jabhado qabaa’ilo ku dhisnaa oo hubeysan ,bulashada Rayidka oo horbodayaan duubabka qabaa’ilada waxay racdo u galeen soo celinta Nidaamka-dowladnimo ee jamhuuriyadda soomaaliya .shiraar fara badan oo lagu  kala Qabtay meelo ka baxsan dalka gudahiisa iyo dibaddisa ayaa lagu guuleystay in lagu soo Dhiso dowladdo ku meel geer-ah looga magac daray dowrkaan waxaa qeyb lixaad ka Ciyaaray odey dhaqameedka soomaaliyeed.

Bishii maarso 1991-kii magaaladda Djabuuti doorasho lagu qabtay Cali Mahdi Maxamuud Ayaa si’ ku meel-gaar ah looga doortay madaxweynimo ,ha yeeshee laguma guuleysan in Dalka laga saaro marxaladda ku meel-gaar ka  sababtoo ah ma jirin gole shacab  ah oo Beelaha soomaaliyeed lagu matalo ,dhamaan waxaa burburay dib u heshiinta qabaa’ilada Soomaaliyeed taaso keentay in reer galbeedka oo isku raadinaayay bulshada kala Irdhootay  u aqoonsatay 1992-kii  dal nidaam -dowladkiisu dhicisobay ilaa 2000.

20 agoosto 2000 waxa lagu guuleystay in la dhiso dowlad ku meel-gaar ah,kulamo miro Dhalay oo soo socdaay taniyo burburkii ,magaaladda carta ee dalka   djabuuti waxaa lagu Soo dhisay gole shacab ah oo garaya 245 xubnood  oo ay u dhanyahiin qabaa’iladda Bulshada soomaliyeed  waxaana soo xulaayay oday dhaqameedyada .26-kii agoosto 2000 Ayaa lagu soo doortay madaxweyne Cabdi Qaasim Xuseen waxaana dooranayay golaha Barlamaanka ku meel-gaarka .

Markay dhamaatay muddo xileedka sharciga ahaa ee  golahii la dhisay 2000,20-kii agoosto 2004-ta gole  kale oo cusub ayaa lagu soo dhisay embakaati ee dalka kenya oo xilheyntu Ahayd afar sano oo ay soo xuleen odey dhaqameedyada .tiradda golaha embakati lagu Dhisay waxay garaayeen 275 xildhibaan .waxay soo doorteen madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ,

Muraan iyo khilaafyo ayaa hareeray dowladdi lagu soo dhisay embakaati oo ku sabsaneed Habka loo maray dhismaha golaha shacabka iyo beelo qaar oo tirsanaayay dulmi,waxay Sababtay in gole la dhiso oo gaaraya 550 xubnood ,

Dowladdii ku meel-gaarka ee la soo dhisay 30-kii janaayo 2009 waxaa loo doortay Madaxweynimo mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaana dooranayey golaha Barlamanaka oo tiro ahaan ka koobnaa 550 xubnood ,gudashada waajibadka qaranka waa Mid saraan ruuxa loo dhariyo qabashada xilka madaxweynimo .marka la fiiriyo Doorashooyinka lagu soo doortay ilaa afar madaxweyne ayaa lagu soo doortay meel ka Baxsan wadanka gudahiisa ayaado loola gol lahaa socelinta nidaamka dowladnimo ee Jamhuuriyadda soomaaliye   . Shariif Axmed ayaa dalka gaarsiyay  in lagu qabto doorasho Taaso laguna soo doortay Xasan Shikh Maxamuud 10-kii seteembar 2012-kii waxaana Dooranayay  275-xildhibaan .soomaliyaa ayaa  ka baxday marxaladda ku meel-gaarka Taaso keentay in nuuc ka mid ah federaalka la qaado lana dhiso maamul gobaleedyo Dowladdi  Xasan shikh waxay ku guuleystay dhisidda shanta maamul gobaleed ,maamul Kastana laga soo doorto  54- senetor .

8-da febraayo 2017-kii teendhada afishiyooni ayaa lagu doortay mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaana dooranayey labadda aqal ee barlamaanka oo ka kooban 54- Senator iyo 275 xildhibaan .15-kii maayo 2022 Xasan Shiikh Maxamuud ayaa mar kale lagu Soo doortay teendhada afishiyooni,teendhada afishiyooni ayaa lagu qabtay in ka badan Saddex doorasho .

W/Q Cabdiraxiim Abuukar Axmed Jimcaale