”Soomaaliya kama dhacin dib-u doorasho”. Waxaa qoray Maxamed Cabdiraxman oo ah arday barta siyaasadda.
Cilmi baaristan ayaa soo bandhigayso saddex caqabad kuwaaso hortagan in dib loo doorto madaxweyne soomaaliya hogaamiyo ,sidda ku cad taarikhda dalka waxa soo martay ilaa toban maadxweyne halka afar ka mid ahi ay dib u doorashoo galeen lagana adkaaday, 2020 ayaan damcay inaan fahmo caqabadda soo jireenka ah ayaan suaalo toos ah oo an hordhigay siyaasiin iyo barrayaal dhiga kulliyadda cilmiga siyaasadda aya weydiyay suaalo la xariiro mowduucan .’’soomaaliya kama dhacin dib-u doorasho madaxweyne’’ Maxamed Cabdiraxman arday barta siyaasadda.
Caqabadan kaliya saamayn kuma laha madaxda soomaaliyeed waa dhib hareeyay dhamaam madaxda qaradda Africa ‘’ Rooble farax barre jaamacadded ,rajadda madaxweyne afrikan ah kusoo noqon karo ayaa la aamisanyahay inay 1% oo ah cod ku shubasho ka dambeeyso .musuqmasuqa ayaa ayaa noqday hareeyay doorashooyinka ka dhaca qaaradda afrika ,baxinta malaayiin doolar ah madaxda soomalida uma dhaba xaari karto kuso laabashada xilka mar kale ,afrikada inteeda kala waxaa ka dhaco doorasho daaha kore tahay dimuqraadiyad balse gudaha ka ah ku shubasho dadban halka kuwa soomalida ay tahay mid dadban oo kaliya coodeeyaan dhowr xildhibaan .
1.XUBNAHA CUSUB EE BARLAMAANKA KUSOO BIRAYSO.
Xubnaha cusub ee barlaamnak kuso bireyso waxa lagu tiriyaa caqabada ugu weyn ee madaxweynaha xilka haaya uu wajahaayo xilliga doorashada ,markay soo idlaata muddo xileedka barlamanka ee afarta sano waxay wajahan doorasho oo xildhiban walba beeshiisa uu ka codsanaya inuu mar kale beesha ku matalo golaha shacabka ,beelaha qaar ayaa aqbalaad u sameeyo dalabka ka yimid xildhibanka oo ah inuu mar kale matalo beesha halka kuwa kalana ay ka biyo diidan inay aqbalaan ,kuraasta aan soo laaban kuwa buuxiyo booskoda ayaa loo yaqaana xubnaha cusub ee barlamaanka ka mid noqonaayo ,waxay noqon karaan kuwa mar soo noqday xildhibaano iyo kuwa ay u tahay markooda koowaad ee kusoo biirista golaha shacabka .Caqad walba oo diideyso soo labashada madaxweynaha talada haaya waxay fursad u tahay musharax kale oo ku cusub xilka .
Sidda uu muujinaya sawirkan oo aan kasoo xigtay mustabal media ayaa muujinaya xubnaha cusub ee kusoo biirtay golaha shacabka doorashaddi ugu damabeesay sanadkii lasoo dhaafay inay saddex jibaar ka badan yahiin xubnaha soo laabatay , waa jiil cusub oo doonaya inay helaan shaqsi la noqon karo saaxibo siyaasadeed waana inuu codkooda keena waji cusub.
2- MOWJADAHA ISBEDELKA DOONKA. Tan iyo markii soomaaliya noqotay dalka madax banan waxaa lagu howlanaa qabasho doorasho ka madax banan eex iyo sad bursi taaso loola jeeday helitaanka madax bedeli karto dhibta ay la daalacayso bulshadda soomalaiyeed , madaxwweynaha haaya ee doonaya mar kale inuu soo laabto waxa ka fursad badan musharax kaliya u tahay markisa koowaad ee u baratanka xilka madaxweyenimo ,kan codeeyo iyo kan aan loo coodeynin ma jirta farqi oo wax qabasho oo u dhaxeeyo ,taaso lagu micneeyay wacyigga bulshadan ee dhanka doorashada Doorasho kasta eeg. Kolka ay isbaacsanayaan hal wax ayay ku hadaaqaan. ISBEDDEL.
Dunida oo dhan meeshii aad ka tagtid ama isbeddel baa ka dhacay ama waa laga quuddarraynayaa balse soomaaliya waa waxaa u dheer inay raadiyaan waji cusub kaaso ka fursad badan kii hore xilka u haayay. sababtoo ah madaxweynaha xilka haaya haddu soo laabta fursada laga helaaya way ka yaryahiin shaqsiga bedelaaya ,tuusale xasan shiek maxamuud iyo haddey tartamaan xasan cali kheyr doorashada soo socoto oo kheyre guuleysto fursadaha oo baxinaaya waxay ka badanyahiin kuwa madaxweyneha maanta xilka haaya ,waxaa loo fiirinayaa manta cidda oo la tashanaayo ayuuu berrina tala wadaag noqon karaan .
3 .SAAXIBADDA MADAXWEYNEHA .Waxaad isweydineysaa side madaxweyneha saaxidiisa caqabad ugu noqon karaan rumeynta rajadda ku dhisan mar kale haa dabcan way ku yahiin .ka dib marka madaxweyneha loo dhaariyo xilka madaxweyne waxaa u bilawda safar u bahaan go’aan qaadasho aan laga shaleyn doonin ayaa racdo u galo helitaanka saaxibo u dhow oo kala tashanaya siduu guul ugu gaari lahaa maaraynt nidaamka cusub ee dowladnimo , labo nooc ayuu kuu keenaya saaxibada
.Kooxada koowad ee maadaxweyne saxibka la ah waxay ka iman karaan inay ka cawiyeen soo baxitankiisa doorashada ,kooxdaan ayaana ah kuwa looga magacdaray milkiiliyaasha waxay ka sareeyan saxibada kale ee madaxweyneha kala tashanaya arimha markaa horyaala.kooxda labaad waxay ku yimaadan aqoontooda oo madaxweynaha uu baahday inay ka caawiyaan arimo gaar ah sida talaliyaasha arimaha amniga ,federaalka ,dhanka waxbarashada . kooxdani saamayn ku lahan go’aanada wuu ka gaaraya siyaasadda kaliya kooxda koowad ayaa masuul ka ah.
W/Q Cabdirahiim Jimcaale