MUQDISHO-AYAAMAHA-Xalay ilaa saaka Magaalada Muqdisho waxaa ka socda abaabul ka dhan ah xukuumada cusub ee Ra’iisul wasaare Xamza oo ay wadaan xildhabaanada golaha shacabka ayaa si toos usoo shaacbaxay.
Xukuumaddihii hore marka ansixin looga raadinayo Baarlamaanka si mideysan oo aqlabiyad leh ayaa loo meel marin jiray, Dowladdii KMG, gaar ahaan Xukuumaddii Cali Maxamed Geeddi ayaa Baarlamaanka kalsoonida u diiday bishii December 2004 xilligii ay dowladda iyo Baarlamaankii 8aad ay xarun u aheyd Nairobi inta aanay dalka u soo guurin.
Cabsida arrinaan ayaa ka dambeysay kadib markii wasiirada qaar la arkay ayagoo mid mid xildhibaanada ula kulmayaan si ay u weydiistaan codka kalsoonida, iyadoo markii hore si guud xildhibaanada loo wediisan jiray codka kalsoonida.
Guuxa ka soo yeerayo xubnaha Xildhibaannada iyo abaabulada ay wadaan ayaa horseedi doona in Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse ay wayso kalsoonida Golaha Shacabka.