Musdisho-Ayaamaha.com Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Puntland. Madaxweynaha ayaa si qodob-qodob ah uga hadlay khilaafkaas, isagoo iftiimiyay arrimo muhiim ah oo uu sheegay in Saciid Deni uu ka hor istaagay shacabka Puntland.
Madaxweyne Xasan, oo ka hadlayay xiritaanka munaasabadda maalmaha Xorriyadda, ayaa sheegay in maamulka Puntland iyo hoggaankiisu ay xilligan hor istaageen horumarka iyo waxbarashada deegaannada Puntland.
Xasan Sheekh ayaa shaaciyay in maamulka Puntland uu hor istaagay mushaharka ilaa 800 macallin oo loogu talagalay inay horumariyaan waxbarashada ardayda Puntland. Wuxuu maamulka ku eedeeyay inuu carqaladeeyay wax kasta oo horumar ah.
“Dowlad-goboleedka Puntland ayaa diiday in 700 ilaa 800 macallin oo loogu talagalay inay ka noqdaan macallimiin dugsiyada hoose/dhexe laga qoro deegaankaas. Waxaa sidoo kale loogu talagalay in machad lagu tababaro macallimiintaas si ay uga shaqeeyaan dugsiyada ku yaalla deegaannadaas,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan, isagoo sheegay in aanay sii qarin karin arrintaas ay Puntland diidday.
“Ma sii qarin karo in maamulka uu hoggaamiyo Saciid Deni uu diiday oo hor istaagay horumarinta waxbarashada iyo qorista macallimiinta iskuullada. Dowlad-goboleedyada kale waa laga qoray macallimiinta, tababarkana way qaateen. Manhajkii dowladda sameysay ee lagu tababaray ayay dhigaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan, oo sheegay in markii ugu horreysay dalka Soomaaliya ay ka dhaqan gashay shahaado mideysan oo caalamku aqoonsan yahay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in deegaannada kale ee dowlad-goboleedyada laga qoray macallimiinta, isla markaana dhaqaalihii loogu talagalay ay bixiso dowladda federaalka. Wuxuu sidoo kale sheegay in dugsiyada deegaannadaas lagu dhigto manhajkii ay qorsheysay dowladda dhexe.
“Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in qof kasta oo hor istaaga nidaamka dowladeed iyo nidaamka waxbarasho, isla markaana siyaasadda ka dhigta, uu diidan yahay horumarka guud ee dalka iyo mustaqbalka dhalinyarada somaaliyeed.
Xasan Sheekh ayaa farriintiisa ku sheegay in aysan jirin xumaan ay Puntland u qabaan, isla markaana dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay u siman yihiin, ayna u dhaarteen ilaalinta danahooda. Wuxuu tilmaamay in la federaaleeyay nidaamka iyo adeegga dadka loo fidinayo, balse aan la federaaleyn shacabka Soomaaliyeed, maadaama aysan kala qeybsami karin.”
“Madaxweynaha wuxuu sheegay in nidaamka federaalka loo keenay in adeegga dadka loogu dhoweeyo, iyo in shacabka Soomaaliyeed ay wakiillo ku yeeshaan talada dalka halka ay ka go’do. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in markii wakiilladii laga keenay dacallada dalka la tashaday, ay jireen shaqsiyaad gaar ah oo diiday taladii la isla qaatay.”
“Walaalaha Soomaaliyeed ee Puntland, waan sheegayaa aniga. Iyagu way og yihiin, annaguna waan ognahay, Allena waa og yahay in hoggaanka meeshaas jooga uu Soomaaliya ka gooyay dhinac walba. Afka marka laga reebo in ay Jamhuuriyadda ka mid yihiin, maanta dowladda federaalka iyo Puntland wax ka dhexeeya ma jiraan. Wax walba waa la jaray oo waa la joojiyay,” ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Xasan, oo ka hadlay siyaasadda adag ee Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.
Si kastaba qilaafka u dhaxeeyo Puntland iyo villa somalia ayaa muddooyinkii dambe cirka isku sii shareeray,waxana labada dhinac isku jedeeyeen edeyma Xasan Sheekh oo Eedeymo Culus U Jeediyey Deni, Shaaciyey Arrimo uu Puntland Ka Hor-Istaagay










