MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Itoobiya oo hadallo digniin ah u dirtay dhigeeda Sudan ayaa sheegtay in uu dulqaadkii ka dhamaaday kadib markii Sudan ay ciidamo soo dhoobtay halka ay labada dal isku hayaan.
Waxaa guuldareystay dedaalo la doonayay in xal looga gaaro xiisadda ka taagan xadka labada dal.
Xiisadda oo mudod dhan 10 sano soo jiitameysay ayaa ah mid u dhaxeysay dalalka Sudan iyo Itoobiya, waxayna salka ku heysa deegaanka beeraha qaniga ku ah ee al-Fashqa, oo katirsan qariiradda Sudan balse ay muddo deganaayeen beeraleyda Itoobiya.
Ciidamo ka kala tirsan labada dhinac ayaa laba asbuuc kahor isku dhac ku dhex maray xadka labada dal.
Ciidamo ka kala tirsan labada dhinac ayaa laba asbuuc kahor isku dhac ku dhex maray xadka labada dal.
Dhanka kale wasiirka warfaafinta ee Sudan, Feisal Maxamed Saleh ayaa sheegay in dalkiisa uusan dooneyn dagaal ay la galaan Itoobiya, balse ciidamadooda ay ka jawaabi doonaan waxwalba oo uga yimaadda dhanka Itoobiya.
“Waxaanu ka cabsi qabnaa in hadalada kasoo yeeraya Itoobiya ay yihiin kuwa xanaf leh oo damqaya Sudan, waxaan Itoobiya weydiisaneyna inay joojiyaan weerarka ka dhanka ah madaxbanaanida dhuleed ee Sudan iyo beeraleyda Sudan,” ayuu wasiirka warfaafinta ee Sudan u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.