Kooxaha tuugada Muqdisho oo billaabay inay hab cajiib ah u adeegsadaan magaca NISA

Muqdisho-Ayaamaha.com Magaalada Muqdisho waxaa kusoo kordhay qaab cusub iyo xeelado casri ah oo ay adeegsanayaan kooxo tuugo ah oo u abaabulan dhaca shacabka. Arrintan ayaa dhalisay walaac xooggan, kadib markii laamaha amniga iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay diiwaangeliyeen tiradii ugu badneyd ee dhibaneyaal lagu dhacay magaca hay’adaha amniga dowladda, gaar ahaan Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Kooxahan dhaca geysta ayaa si xeeladeysan u beddelay hababkii ay horay wax u dhici jireen, sida adeegsiga mindiyaha ama bistooladaha, iyagoo hadda u wareegay xeelado cusub oo dad badan lagu khalday.

Waxay kula dhaqmayaan sidii askar ka tirsan Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, taas oo qofka ka qaadeysa shakiga, kuna kallifeysa inuu u hoggaansamo amarrada la siinayo.

Kooxahan ayaa bartilmaameedsada dadka wata taleefannada qaaliga ah ama qof kasta oo loo arko inuu haysto lacag. Waxay ku joojiyaan sababo la xiriira baaris amni ama tuhun ay ku sheegaan inuu la xiriiro Al-Shabaab

Wareysi iyo su’aalo weydiin kadib, waxay dhibanaha ku amraan inuu wareejiyo taleefankiisa iyo lambarka sirta ah, si ay — sida ay sheegayaan — u eegaan farriimaha ku jira taleefanka. Taas ayaa u sahasha inay ogaadaan lambarka sirta ah ee taleefanka iyo adeegga lacagta ee EVC, ama ay ka qaataan boorsada iyo wixii lacag ah ee uu haysto.

Dhibanaha ayaa inta badan si iskiis ah ugu wareejiya taleefanka ama boorsada, maadaama uu u haysto inay yihiin ciidamo ka tirsan dowladda. Halkaas ayaana looga qaataa lacagta ugu jirta taleefanka iyo wixii kale ee uu watay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo qaybaha booliska ee Muqdisho ayaa xaqiijiyey in cabashooyinka ugu badan ee xilligan soo gaaraya ay yihiin kuwo la xiriira dad lagu dhacay magaca NISA.

Kooxahan inta badan ma xirtaan dirays rasmi ah, balse waxay ku labbistaan dhar shacab oo u eg habka ay u labbistaan xubnaha hay’adda nabad-sugidda, iyagoo ka faa’iideysanaya cabsida ama ixtiraamka ay shacabku u hayaan ciidamada dowladda.

Si aad isaga ilaaliso in lagu khaldo ama lagu dhaco, waxaa habboon inaad qaaddo tallaabooyin ay soo jeediyeen laamaha amniga iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Tallaabooyinka muhiimka ah waxaa ka mid ah:

1- Ha raacin qof dhar shacab ah xiran oo kugu amraya inaad gaari ama mooto raacdo, haddii uusan ku tusin aqoonsi rasmi ah.

2- Ha u dhiibin taleefankaaga, gaar ahaan isagoo furan, qof aadan hubin aqoonsigiisa.

3- Ku adkeyso in baaritaan kasta lagu sameeyo goob ay joogaan ciidamo rasmi ah oo boolis ah ama bar-koontarool la yaqaan.

4- Isku day inaad xasuusato wejiga, dharka ama lahjadda qofka kula hadlaya.

5- Ha argagixin, maadaama tuugadu ay inta badan ka faa’iideystaan cabsida qofka si ay u dhacaan.

Laamaha amniga ayaa ku baaqay in muwaadin kasta oo la kulma fal noocan ah uu si degdeg ah ugu wargeliyo saldhigga booliska ugu dhow ama uu garaaco lambarrada gurmadka degdegga ah.

Dacwooyinka ugu badan ee xilligan horyaalla laamaha amniga iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa ka mid ah kiisas la xiriira dad shacab ah oo lagu dhibaateeyey magaca NISA.