Muqdisho-Ayaamaha.com Xiriirka Kubadda Cagta ee Masar (EFA) ayaa si rasmi ah dacwad ugu gudbiyay xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA, iyaga oo cabasho ka ah qaabkii garsoorku u maareeyay kulankii dhex maray xulalka Masar iyo Argentina.
Masar ayaa sheegtay in garsoorayaashii ciyaartaas ay ku kaceen caddaalad darro, taas oo ay rumeysan yihiin inay saameyn toos ah ku yeelatay natiijada ciyaarta.
Kulankan oo ahaa mid xamaasad badan, ayaa xulka Masar looga adkaaday 3 iyo 2. In kasta oo Masar ay soo bandhigtay ciyaar heerkeedu sarreeyo inta badan kulanka, haddana wax walba waxay is-beddeleen dhamaadkii ciyaarta.
Saddexda gool ee looga badiyay Masar ayaa dhammaantood laga dhaliyay wixii ka dambeeyay daqiiqaddii 80-aad, taas oo keentay caro ka dhalatay go’aannadii garsoorka ee xilliyadaas.
Xiriirka Masar ayaa qoraalkooda ku adkeeyay in garsoorka uu si weyn ugu eexday xulka Argentina, iyadoo la diiday go’aanno muhiim ahaa oo Masar u xaq u lahayd, halka Argentina loo fududeeyay fursado dhowr ah.
Weli FIFA kama hadlin dacwada ay u gudbiyeen Xulka Kubadda Cagta ee Masar











