Muqdisho-Ayaamaha.com Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc lagu hirgelinayo afar waddo oo laami ah oo ku yaalla degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo muhiim u ah reer Muqdisho.
Dhismaha waddooyinkan ayaa qayb ka ah qorshaha maamulka Gobolka Banaadir ee lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-casriyeynta waddooyinka iyo kor-u-qaadidda bilicda Caasimadda.
Guddoomiyaha Gobolka oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa uu mudnaan gaar ah siinayo hirgelinta mashaariic waaweyn oo lagu tayeynayo waddooyinka, bullaacadaha iyo adeegyada kale ee aas-aasiga u ah nolosha bulshada.
Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in mashruucan uu ujeeddadiisu yahay xoojinta isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha, sare u qaadid tayada adeegyada bulshada, iyo sidii loo abuuri lahaa kaabayaal casri ah oo wax ka tari doona horumarka iyo koboca dhaqaale ee degmada iyo guud ahaan Caasimadda.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale faray shirkadaha bixiya adeegyada bulshada in aysan dib u dhigin ama carqaladeyn fulinta mashruucan, waxa uuna carrabka ku adkeeyay in cid kasta ay la jaanqaaddo qorshaha horumarinta caasimadda, islamarkaana ay si buuxda ula shaqeyso Maamulka Gobolka Banaadir si mashaariicda adeegga bulshada loogu hirgeliyo waqtigii loogu talagalay, iyadoo la ilaalinayo danta guud iyo bilicda magaalada.
Afarta waddo ee uu maanta dhagax dhigay Duqa Muqdisho ayaa ah jid-cadayaal, iyada oo haatan loo beddalayo laamiyo muhiim ah, si ay u fududeeyaan isku socodka, sidoo kalena qayb uga qaataan ah bilicda caasimada.
Si kastaba, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmahan dambe waday qorsheyaal waa wayn oo lagu hormarinayo caasimada, waxaana dib loo dhisay waddooyin muhiim ah iyo xarumo dadweyne oo ku yaal magaalada Muqdisho.











