101 ergo oo soo dooran doonaan kuraasi ka mid ah Golaha Shacabka oo tababar loo furay.

Ergada doorashada gobolada waqooyi

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qaar ka mid ah ergooyinka doorashada golaha shacabka ayaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho uu tababar ugaga bilowdo.

Labo kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee metelaya gobolada Waqooyi ee dalka ayaa noqon doona ergada ugu horeysa ee la tababarayo sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka.

Tababar hal maalin ah ayaa lagu wadaa in ergadan ay qaataan sida uu qorshuhu yahay.

Doorashada ugu horeysa ee xildhibaanada golaha shacabka ayaa la filayaa inay ka dhacdo magaalada Muqdisho maalinta berri ah oo bishu ay tahay 1da november 2021.

Ergadan ayaa ka duwan kuwa kale iyadoo lagu tilmaamay inay yihiin erog wadaag oo saddex kursi ay 101 ergo soo dooran doonaan.