20 sano kadib Khadiija Maxamed Diiriye oo wajaheysa loolan adag!

MUQDISHO-AYAAMAHA-Khadiija Maxamed Diiriye oo ah xildhibaand 20 sano ku fadhiday kursiga xildhibaanimo ee Beesheeda ayaa markan waxaa ay wajahaysaa loolan adag oo kaga imaanaya haween ku beel ah kuwaas ah aqoonyahano.

Shariifo Caddow oo kamid shaqsiyaadka ugu saameynta badan ururada Bulshada rayidka ah iyo Madiina Caamir oo kamid aheyd maamulkii Shirkaddii diyaaradda Somali Airlines oo ka qeyb galay xaflad ay musharaximadeeda xildhibaanimo kusoo bandhigeysay Baarliin Maxamuud Biin oo ah Gabar aqoonyahanad ah ayaa farriin u diray ergada wax dooraneysa.

Labadaan Haween oo ah kuwa miisaan culus ku leh Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe ka codsaday inuu si cadaalad ah u maamulo kursiga HOP0097 oo yaala Magaalada Jowhar, kaasi oo ay 20-kii sano ee lasoo dhaafay ku fadhisay Khadiija Maxamed Diiriye.

Shariifo Caddow ayaa sheegtay in kursiga HOP0097 oo ay hadda ku fadhiso Khadiijoa Maxamed Diiriye ay sanadkaan mudan tahay Baarliin Maxamuud Biin islamarkaana ay iyaga kala shaqeenayaan sidii ay ugu soo bixi laheyd.

“Anaga cod ma lihin, laakiin waa in codka la siiyo Baarliin, qoyska ay Baarliin ka dhalatay waxaa la idinka rabaa inaad marada u xirataan sidii aad kursiga u siin laheyn, waxay aheyd qof idinka maamuleysay meesha ay joogtay, waa Gabar isku xambaaran karto qoyskeeda iyo Soomaali oo dhan Kuraastii Gabdhaha HirShabelle koomo ayey ku jiraan ciddii heysataba, waxaa la iska rabaa inaan kuraastaas soo badbaadino, Kursigaan waxaa iska leh Baarliin, wayna mudan tahay anaga dhanna waan ku garab joognaa,” ayey tiri Madiina Caamir.

Muddooyinkii dambe Khadiijo Diiriye ayay waxay saaxib dhow la aheyd Cali Guudlaawe Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle oo isagu taladu ka go’daa, lamana oga qofka masiibku uun raaci doono.