MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha siyaasiyiinta Somaliland ku matalaya xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa war kasoo saaray halka uu marayo wada hadaladii ku aadanaa guddiga doorashooyinka.

Xildhibaanada matalaya gobolada waqooyi ayaa sheegay in la isku mari la’yahay arrintaas, waxayna ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed ku eedeeyeen in ay wax ka socon la’yihiin.

Mahdi Guuleed ayaa sheegay in uusan jirin wax kulan iyo heshiis oo dhexmaray isaga iyo Golaha Siyaasiyiinta Somaliland garabka Cabdi Xaashi, isla markaana Qoraalka la faafiyay uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

“Warqaddan la wareejinaayo waxba kama jiraan. Waa been aan sal iyo raad toona lahayn” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta oo ka hadlaayay heshiis la sheegay in isaga iyo garabka Cabdi Xaashi wada gaareen.

Arrinta ugu adag ee doorashada Soomaaliya ayaa noqotay guddiga doorashooyinka Soomaaliland, waxaana inta badan is qabqabsada siyaasiyiinta kasoo jeeda Hargeysa.