42, 000 Oo Arday oo Maanta u fariisanaysa Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in 42, 000 (Afartan & laba Kun) oo Arday ay Maanta u fariisanayaan imtixaanka, kaas oo Manta ka bilaabanaya Muqdisho & Gobolada dalka.

Xarumaha Imtixaanka lagu galaayo ayaa waxaa la geeyay Ciidamo loogu tala galay in ay suggaan Ammaanka xarumahaasi iyo kormeerayaal loogu talo galay inay ilaaliyaan Imtixaanka, kuwaas oo qaarkood ka socda Wasaaradda Waxbarashada.

La taliye ka tirsan Wasaaradda waxbarashada oo lag Magacaabo  Cabdullaahi Cabdi Cumar ayaa sheegay in ardayda galeysa imtixaanka looga baahan yahay diyar garoow iyo akhris farabadan si ay u guuleystan.

Sidoo kkale Ardayda Maanta u bilaabanaya imtixaanka ayaa waxaa uu ugu baaqay inay ka diigtoonaadaan waxyaabaha dadka ay isla dhex-marayaan sida in Imtixaanka qeryb kamid ah la qeybiyay oo uu Suuqa Wareegayo.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa lagu waddaa inay kormeeraan Goobaha ay lagu qaadaayo Imtixaanka, waxaana uu sirasmi ah uga bilaabanayaa gobolka Banaadir, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa sanad kasta qaada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare, waxaana mararka qaar ay cabasho xoogan ka timaadaa Ardayda, hayeeshee cabashadaas qaarkood la xaliyo qaarna halkaas looga gudbo.