MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa ka socota doorashada Xubno ka harsanaa Aqalka Sare, waxaana goordhow la doortay kursigii ugu horeeyay Saddexda kursi ee Maanta la dooranayo

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji ayaa helay Codad gaaraya 74 Cod, halka Musharax Cabdiraxaman Maxamed uu isna helay 14 Cod, isla markaana waxaa halaabay Codad gaareya 3 Cod, iyda oo goobjoog ka ahaayeen xubno ka tirsan Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada.

Doorashada lagu dhameystirayo Xildhibaanada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Koonfur Galbeed ayaa weli ka socota howlka Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas ee Magaalada Baydhabo.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta dhameystiraya 8 kursi oo ay ku leeyihiin Xildhibaannada Aqalka Sare.