47 qof oo Soomaali u badan oo loo haysto dacwad la xiriirta lunsashada $250 milyan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda Caddaaladda Maraykanka ayaa warbixin ay shalay soo saartay eedo ugu jeedisay 47 qof oo lagu eedeeyey inay lunsadeen 250 milyan oo dollar oo aheyd lacag loogu talagalay quudinta carruurta ay dhaleen dadka danyara ah intii lagu jiray xanniibadihii COVID-19.

Wasaaradda ayaa sheegtay in lacagtan la lunsaday ay tahay mid ay dawladda Federalka ee Maraykanku ku bixisay barnaamijyada quudinta ee xiligii uu xanuunka COVID-19 uu halka ugu daran marayey.

Dadkan ayaa qaar kamid ah u xiran dowladda Maraykanka halka qaar kalena ay banaanka joogaan oo dacwad loo haysto. Sidookale kuwa baxsad ah oo baasaboor kale sameystay ayaa xabsiga la dhigay.