7 ruux oo isku qoys ah oo ku dhintay qarax ka dhacay Gobolka Hiiraan

MUQDISHO AYAAMAHA Dadka Shacabka ah oo Beeraleey ahaa hadane isku qoys ahaa ayaa la sheegay inay ku geeriyootay qarax Miino oo ka dhacay degaanka jicinow ee dhaca jiinka Wabiga Shabelle duleedka Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan, iyada oo faah faahin ay kasoo baxeyso.

Dadkaan dhigtay ayaa waxay saarnaayeen Mooto Bajaaj, kana yimaadeen Beer ay ku leeyihiin duleedka degmada Buulo-burde, hayeeshee Miino ay ku qabsatay degaanka jicinow ee duleedka degmadaas.

Saadaam Cabdi Iidoow oo ah Duqa Degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay qaraxa dadka isku qoyska Shacabka ahaa ay ku geeriyoodeen ee ka dhacay duleedka degmada ayaa sheegay in dadkaasi ay ahaayeen Shacab aan waxba galabsan, isla markaana ay miinada wadada ku aaseen Al-Shabaab.