7 Xildhibaan cusub oo maanta lagu doortay Magaalada Baraawe

BAYDHABO-AYAAMAHA-Magaalada Baraawe ee Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ka dhacday doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop 045 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamuud Axmed Maxamed, wuxuuna helay codad gaaraya 90-cod, halka musharaxii kale ee la tartamayey Yuusuf Maxamed Cabdulaahi uu isna heley 8-cod, 3-cod wey halowday.

Maxamed Cabdala Axmed ayaa waxaa ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-145 ee Xubinnimada Golaha Shacabka, waxaana uu helay codad gaaraya 76-cod, halka Musharaxii la tartamayey Cabdulaahi Ahmed Cabdi uu heley 12-cod , 2-cod wey halowday.

Doorashada kursiga tirsgiisu yahay Hop-162 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Maxamed Cusmaan Cumar iyo Maxamed Daliib Xasan, isla markaana waxaa kursigaas kusoo baxay Maxamed Cusmaan oo helay 74-cod iyo Maxamed Daliib oo heley 17-cod.

Kursiga Hop-148 ayaa waxaa ku tartamay Calwiya Siid Cabdullaahi iyo Sacdiyo Maxamed Cabduqaadir, waxaana kursiga Hop-148 ku guuleysatay Calwiya Siid oo codad gaaraya 88-cod halka musharaxii la tartamaysay Sacdiyo Maxamed ay heshay 10-cod, 2-cod wey halowday.

Suhuur Xaaji Culusow ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-256 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS, iyadoo heshay codad gaaraya 87-cod halka musharaxii la tartamaysay Jiijo Axmed Iikow ay heshay 12-cod.

Cali Shekh Maxamed Nuur  ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-143 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS, isagoo heley codad gaaraya 90-cod, halka musharaxii la tartamayey Cabduqaadir Maxamed Cabdulaahi uu isna heley 11-cod.

Doorashada kursiga Hop-163 ee ugu dambeeyay ee doorashadiisa Maanta ka dhacday Baraawe ayaa waxaa ku tartamay Isaaq Maxamed Maxamuud iyo Cabdullaahi Cismaan Ibraahim, waxaana kusoo baxay Isaaq Maxamed oo helay 86-cod, sidoo kalena Musharaxii la tartamayey Cabdulaahi uu heley 10-cod, halka 4-cod  ay halaawday..