8 qodob oo sababtay Guuldaradii siciid deni kala kulmay doorashada Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa wacdaro ka dhigay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee axadii shalay ka dhacday Muqdisho.

Deni oo gaaray wareega labaad ayaa markii seddexaad loo gudbi lahaa ku haray isagoo codadkii uu heystay ugu shubay Xasan Sheekh Maxamuud oo dib loo doortay.

Dhowr qodob ayaa lagu sheegay in guuldarada Deni soo dedajisay waxaana lasoo tebinayaa in guuldaradaasi uu isaga ugu wacnaa.

1-Deni oo aan xulan xildhibaano olole yaqaan ah , wuxuuna xooga saaray inay xildhibaanada noqdaan kuwa uu codkooda helo oo kaliya. Qaarkood markii Xamar la tegay barsado kale ayay ka buskiciyeen oo waaba goosteen in kasta oo tiro yar ay ahaayeen.

2-Deni oo isku koobay ololaha , aana fursad siin kooxo kala duwan oo siyaabo kala duwan ololihiisa u gada. Waxaa jira xog sheegaysa in tani keentay in xildhibaanada Jubbaland arrintaan khalkhaliso oo ku doodaan side Deni ula dhimanaa iyadoo saaxiibadiis uu u ogolaaday inay RW ka raadsanadaan musharixiin kale haiwye, waxayna u arkeen Deni nin RW Puntland u dhicinaya oo xildhibaanadiisa kala qaybiyay kuwa Jubbaland n araba inuu iyaga ku duulo.

3-Deni oo ay ka ololeeyeen saaxiibadiisii Aaran jaan oo heshiis RW la galay Xassan Cali Kheyre. Tani waxay khal khal gelisay ololaha Deni , waxayna ka dhigtay nin bilaa garab ah codadka Puntland Kheyre ugu yaraan 12 ayaa u wareegtay.

4-Kooxo siyaasiyiin iyo indheer garad reer PL oo siyaasad ahaan diidana , qaarkoodna qayb ka ahaayeen guushiisii 2019 oo iyaguna olole ka dhanka ah ku qaaday Denu , codad ilaa 10 neeyo ah u leexiyay dhanka XSM , Shiikh Shariif iyo Farmaajo.

5-Xildhibaanada JPL oo noqday kuwa aan ku qanacsanayn dalabka A/Madoobe ee ah Deni lawada siiyo codadka oo ka buskiciyay barasado dhawra sida tan Shariifka, XSM iyo Kheyre, waxayna dadaal u galeen in marakan RW loo soo dhiciyo Juppland .

6-Khibarad yarida ololaha Deni oo u muuqday mid ku haftay badwaynta olole ee Muqdisho iyada oo ololiha Deni soo jiidan waayay kutlooyinka baarlamanka ee wax kaal tuura ama guusha horseeda .

Xildhibaano badan ayaa afka u macaaniyay Deni , balse aan kooxda ololihiisa qiimayn Kari wayday kuwa runta sheegaya iyo kuwa kale

7-Cabsida badan eel aga qabay Deni isaga oo ku shaabadadaysnaa inuu yaahy kali taliye ka daran Farmaajo oo 8 xildhibaan xassaanaddii qaab sharci daro uga xayuubiyay, riday guddoomiyihii golihiisa baarlamanka , wiiqay garsoorka , aadna u necen codadka mucaarada.

8-Curfiga hagbadda ee ah in Hawiye iyo Daarood ku kaltamaan kursiga oo ka dhigtay ololaha Deni mid aan socon Karin, maadaama xildhibaanada qabaaílka kale ay garwaaqsadeen in kaltanku jiro dhanka kale ee aanu jirin dhanka Beesha Deni, haddii hagabdda la jabinayona uun Farmaajo jabin karo…