Guddiga doorashooyinka Puntland oo Guddoomiye kuxigeen doortay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kadib kulan ay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ku yeesheen Guddiga Maamulka Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Puntland ayaa Maanta waxaa ay ku doorteen Guddoomiye kuxigeenka Guddigaas.

Xubnaha Guddiga ayaa waxay Guddoomiye kuxigeen u doorteen Maxamuud Casayr Cabdulle Faarax kadib markii uu horey isaga casilay Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Guddiga Ceynaanshe Yuusuf Xuseen, kaas oo loo doortay kursi kamid ah Golaha Shacabka.

Waxaa ay Xubnaha Guddiga sheegeen inay si hufan u sii wadi doonaan howlaha doorashooyinka, isla markaana dhawaan ay soo geba-gabeeynayaan doorashooyinka Golaha Shacabka kuraasta taalla Magaalada Garoowe.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa waxaa ay Shaqadooda ku eg tahay markii ay soo geba-gabeeyaan doorashooyinka Golaha Shacabka kuwa degaan doorashadoodu tahay Puntland.