Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta go,aan ka gaari doona Miisaaniyadda Dalka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii 3-aad maanta dood adag ka yeelanaya Miisaaniyada 2022, iyagoo su’aalo weydiinaya wasiirka maaliyada xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle.

Labadii maalmood Xildhibaanada labada Aqal oo kulan yeeshay ayaa waxaa hortegay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay su’aalo adag weeydiiyeen, iyaga oo siweyn uga dooday miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022.

Xildhibaannada labada Aqal ayaa Wasiirka Maaliyadda ku eedeeyay in Afartii sano ee uu xilka haayay Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wasaaraddiisa sameyn xisaabxir, isla markaana ay maqan tahay lacag dhan 193 Milyan oo Dollar.

Guddoomiyaha Golaha  mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay  in maanta  go’aan laga soo  gaari doono miisaaniyadda dalka.