MUQDISHO-AYAAMAHA-Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga, ayaa sheegay inaan cidna looga turi doonin ololaha ka dhanka ah musuq-maasuqa ee uu ballan qaaday inuu sameyn doono haddii loo doorto madaxweynaha doorashada Kenya ka dhaceysa bisha soo socota.
Kenya ayaa kaalinta 128-aad kaga jirta qiimayntii ugu dambaysay ee musuqa-maasuqa ee hay’adda Transparency International ay samaysay.
Raila oo 77-jir ah ayaa sheegay inuu sidoo kale soo bandhigi doono tallaabooyin dhaqaale oo uu dib u habeyn uu ku sameyn doono deymaha si loo badbaadiyo dhaqaalaha.
Iyadoo wax ka yar bil ay ka harsan tahay doorashada dalka Kenya, ayaa ololaha doorashada wuxuu hadda yahay mid aad u kulul.
Madaxweynaha hadda talada haya ee Uhuru Kenyatta ayaa hadda dhammaysanaya muddo xileedkiisii ugu dambeeyey, sidaa darteed tartanka madaxtinimo ayaa u dhexeeyaa ku xigeenkiisa William Ruto iyo hogaamiyaha ugu weyn ee mucaaradka Raila Odinga.
William Ruto ayaa dhankiisa sheegay in uu awood u leeyahay wax ka qabashada caqabadaha haysta dalka Kenya oo aysan waxbo u dhimayn waxyaabihii uu ka gaabiyey madaxweynaha haatan talada haya Uhuru Kenyata.