MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ka hor yimid hindise uu soo gudbiyey Xafiiska Ergayga Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishukuur Warsame oo doonayey in dalka looga dhawaaqo xaalad degdeg ah oo ku saabsan in ay Macaluul ka jirto Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Mr Barre in gurmadka uu xafiiskiisu hogaaminayo, isbar baryaac uu jiray loona soo laabto sharciga taas oo ah in hay’adii Musiibooyinka Soomalaiyeed dib loosoo shaqo-galiyo.
Damaca, kudhawaaqista Macaluusha, Hay’addaha caalamiga ah iyo qaar kamid ah Siyaasiinta taabacsan Madaxtooyada ayaa doonayay in lashaaciyo, si’i dhaqaale xoogan looga helo.
Qorshahaasi ayaa fashilmay iyadoo Barre uu go’aan culeys ku noqday Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu qaaday,taas oo la sheegya in dad badan ay u arkaan in cadaadiska la saaray uu ku waayi karo xilkiisa ha is casilo ama xilka halaga qaadee.