MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday £2.3 milyan oo Pound inay ku deeqeyso Sanduuqa taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), taas oo loogu tala galay in lagu caawiyo Ciidanka ammaanka dalka.
Kulan ay Muqdisho ku wada qaateen Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka UK ee Soomaaliya, Kate Foster, ayaa lagu shaaciyay in Britain ay deeqdani uga tala gashay bixinta taageerada saadka iyo sahayda kale ee Ciidanka.
Dowladda Iniriiska ayaa dowladda Soomaaliya kala shaqeynaysa dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, si ay 2024 mas’uuliyadda amniga ugala wareegaan howgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.
Wasiirka Ciidamada UK oo bishii May booqasho ku yimid Soomaaliya,ayaa waxaa uu sheegay inay xoojinayaan dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo xasilloonida gobolka iyo dhismaha amniga Soomaaliya.
Wasiirku wuxuu sheegay inay UK ka go’an tahay in ay gacan ka geysato xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
Dowladda UK ayaa Soomaaliya ka taaeerta dhinaca Amniga, waxaana Xerooyin lagu tababaro Ciidamada dowladda Soomaaliya ka hirgelisay magaalada baydhabo iyo degaano kale, iyada oo ku tababartay Ciidamo katrsan millateriga Soomaaliya, kuwaas oo dagaal kula jira Al-Shabaab.