MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kadib socdaal shan cisho qaatay oo Garowe ku joogay.
Wafdigii Madaxweynaha Dawlada Federaalka Xasan Sheekh Ee Garowe kusugnaa waxay dib usoo laabteen iyadoo aysan jirin wax saxaafada lala wadaagay qodobada balse warar madax banaan oo ay heshay Warqaad ayaa sheegaya in shirka uu fashil kusoo dhamaaday ama natiijo la’aan.
Warar ayaa sheegaya inuu jito shir madaxda dawlada dhexe iyo Dawlad gobolleedyada iskugu imaan doonaan Muqdisho si loo xaliyo khilaafaadka jira.
Puntland ayaa diiday in shirka lagu marti geliyo Muqdisho islamarkaana Xasan Sheekh ayaa ogolaaday in Garowe la isku yimaado,taas oo ka dhigan in madaxda Dawlad Gobolleedyada oo saluugsan hanaanka Villa Soomaaliya halkaasi garowe lagu ballamay.
Lama sheegin xilliga shirkaasi uu dhici doono,balse Siciid Deni ayaa la wadaagi doona macluumaad gaar ah Axmed Madoobe iyo saaxiibadiisa kale Guudlaawe,Lafta gareen iyo Qoor qoor.