Joe Biden Oo Eedeen U Jeediyey Donald Trump.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha cusub ee loo doortay dalka Mareykanka Joe Biden ayaa maamulka Trump ku eedeeyey inuu ku fashilmay tallaalka si wakhtigi looga talagalay lagu gaarsiiyo shacabka Mareykanka.

Biden wuxuu intaasi ku daray maamulka Trump inuu horay u sheegay ilaa iyo dhammaadka bishan December inuu tallaalayo 20 malyan oo muwaaddiniinta Mareykanka ah.

Balse ilaa iyo hadda waxaa tallaal helay wax aan ka badneen 2.1 malyan oo qof, sida ay sheegtay xaruunta ka hortagga iyo xakameynta cudurrada ee dalkaasi Mareykanka.

Wuxuuna sheegay xilka marka loo dhaariyo inuu ka shaqeyn doono sidi wax badan oo khaldamay waddada saxda ah uu ugu soo celin lahaa

Madaxweyne Trump oo Mr Biden jawaab u soo mariyey bartiisa Twitterkana wuxuu sheegay in dowladda dhexe ay tallaalkii loo baahnaa gobollada dalka Mareykanka oo dhan ay gaarsiisay balse ay gobollada ku guul darreysteen tallaalka iney muwaaddiniinta gaarsiiyaan.

Mr Biden wuxuu dhankiisa qorsheynayaa 100 malyan qof inuu ku tallaalo 100-ka maalmood ee ugu horreeya uu xilka la wareego, isaga oo si rasmi ah xilka ula wareegayo 20-ka January.