Cumar Cabdirashiid oo eedeyn u jeediyay dowladda Xasan Sheekh

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid ayaa ku baaqay inaan laga ogolaan ku darsashada halka sano ee madaxweynaha Jubbaland, Axmed  Madoobe.

Cumar Cabdirashiid ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ka aamusan tahay ku darsashada madaxweyne Axmed Madoobe. Wuxuuna ku tilmaamay arrin khatara.

“Waa khalad weyn in ku darsasho la sameeyo, fikirka keenaya waxbaa ku darsanayaa waa mid aan dulqaad ka shaqeyneen, waxa uu kasoo horjeedaa dimuqraadiyadda waana in aan marnaba loo ogolaan, intaas ayaad heysatay, waxa laguugu dhaariyay adiga oo og intaas in aad heysatid, wixii Barnaamij ah aad keentay shalay ee aad dhahday waan ku qabanayaa haddii aadan qaban eeddeeda adiga ayaa iska leh, wax ku darsasho la yiraahdo waa in aan laga aqbalin” Cumar Cabdirashiid.

“Dowladda federalku haddii aysan ka hadlin waxa ka dhacaya dowlad goboleedyada, moral authority-geeda ayaa lumaya. Haddii aysan tan Jubbaland ka hadlin, haddii Galmudug tiraahdo waan ku darsanay, ama Puntland tiraahdo waan ku darsanay, dowladdu hadhow way ku qaldan tahay inay tiraahdo waan diidnay,”ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Cumar wuxuu sheegay fakarka ku darshada Jubbaland inay tahay wax aan ka shaqaynayn dimuqraadiyad. Wuxuu sidoo kale sheegay, in Axmed Madoobe uu leeyahay eedda inuu wax ku qaban waayay muddada dheer ee uu madaxweynaha ka yahay Jubbaland.

Barlamaanka Jubbaland ayaa dhowaan hal sano ugu daray Axmed Madoobe, waxaana arrintaas ka horyimid siyaasiyiinta iyo qaar kamid ah wakiillada barlamaanka ee kasoo jeeda Jubbaland.