MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya, kaasi oo looga hadli doono Arrimaha Amniga, Gurmadka Abaaraha ka jira dalka iyo arrimo kale.
Kulanka oo warbixin la isaga dhageysan doono ayaa waxaa ka mid ah xubnaha warbixinta siinaya kulanka Golaha Ammaanka, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.
Inta uu kulanka socdo ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in qar kamid ah Safiirada Qaramada midoobay u jooga dalalka qaarkood ay soo jeediyaan in taageero dhaqaale la siiyo Soomaaliya maadaama xilligaan ay kajirto abaar saameysay dad iyo duunyo
Soomaaliya ayaa waxaa ay xilligaan kujirta xaalad adag, waxaana isku biirsaday weerarada Al-Shabaab io abaarta saamenta ku yeelatay, iyada oo dowladda cusub ee Soomaaliya qorsheyneyso in a waxka qabato dhibaatooinka kajira dalka.