Mahdi Guuleed oo raali-gelin ka bixiyay hadal uu ku taageeray dib u doorashada Farmaajo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ka qeyb-galayay dood ka socota Shirka Garoowe ayaa sheegay in uu raali gelin ka bixinayo hadalkii u horay u sheegay ee uu ku taageerayay dib u doorashada Madaxweyne farmaajo.

Hadalkaas oo ahaa in Madaxweyne Farmaajo uu wareeja 1aad ee doorashada uu kusoo bixi doono sida dowlad Goboleedyada, Hir-Shabeelle, Galmudug & Koonfur Galbeed oo ay kusoo baxeen Madaxweynayaal taageersan dowladda, kaas oo uu ka sheegay munaasabad ka dhacday Tiyaatarka Qaranka.

“ Waxaan rabaa inaan rali-gelin iyo xaal aan ka bixiyo hadal aan horay u iri ee ahaa  Wareega koowaad, Arrinta wareega 1aad raali-gelin iyo xal baan ka bixinayaa, musharixiinta ha biqinina xaal ban ka bixiyay wareega 1aad garoonkana wuu noo furan yahay ee aan u diyaar garoowno doorasho nabad ah ayuu yiri” Mahdi Guuleed.

Hadalka uu Maanta raali-gelinta ka bixiyay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa markii uu sheegay waxaa fal celin ka bixiyay qaar kamid ah Midowga Musharixiinta & Xubnaha Mucaaradka, iyaga oo sheegay in Mahdi Guuleed uu si horudhac ah ugu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu boobayo doortashada.