Xasan Sheekh oo sababo la yaab leh u diiday inuu ka qeyb galo shir ka dhici lahaa dalka Sacuudiga.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Xasan Sheekh ka baaqsadeen safar uu ku tagi lahaa dalka Sacuudiga oo kaga ka qeyb geli lahaayeen shirka Golaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo ka furmaya Magaalada Jeddah, kaas oo looga hadlayo Mustaqbalka Biyaha Caalamka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa, waxaana baaqashada madaxweynaha xaqiijiyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Xildhibaan Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad).

Sababaha uu uga baaqsaday Shirka ayaa lagu sheegay inuu codsaday in Socdaalkiisa dib loo dhigo sababo la xiriira ka qeyb galka Xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya William Ruto oo dhaceysa 13-ka Bishaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doonayay in uu Shirka uga faa’iideysto la kulanka Madaxda Boqortooyada Sacuudiga si ay uga wada hadlaan arrimo badan oo ku saabsan xaaladda labada dowladood iyo tan Guud ee Soomaaliya.

Dowlaha Sacuudiga iyo Kenya ayaa waxaa ay xiriir joogto ah la leeyihiin Soomaaliya, waxaana dowladda Sacuudiga ay door ku leedahay arrimaha Gurmadka abaaraha halka dowladda Kenya ay qeyb ka yihiin Ciidamadeeda howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.