Mowjado siyaasadeed oo xoog leh oo Muqdisho ka socda kadib magacaabistii Yuusuf Madaale.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa hadda shir kasocdaa Guriga Xildhibaan Xaadoole waxaana ku shiraayo Siyaasiyiin, Saraakiil, Ganacsato, Odayaasha dhaqanka, culimada iyo Dhalinyarada ee uu ku metalo Golaha Shacabka

Kulankan ayaa la sheegay inuu guul darro kusoo dhamaaday kaasoo si gaar ah markale u dhexmaray Xildhibaan Cusmaan Xaadoole iyo ergo ka socotay Madaxweynaha Soomaaliya oo kala ahaa Xildhibaan Yaasiin Fareey iyo Xildhibaan Maxamed Cajiib, waxa uuna kulankaas ka dhacay guriga Xildhibaan Xaadoole.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in albaabka ka xirtay Kornel Xaadoole. Xaadoole waa ninkii Madaxweyne Hassan difaacay markii Mohamed Abdullahi Farmaajo ku soo weeraray Mirnaayo.

Ilo wareedyo ka agdhow kulanka ayaa sheegay in dooda ugu wayn ee taagan ay tahay xal u helida mowjado siyaasadeed oo ka dhashay magacaabista Guddoomiyaha Maamulka Gobalka ahna duqa Muqdisho oo uu shalay magacaabay MW-ne Xasan Sheekh Maxamuud.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Muqdisho ka jira dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogleh islamarkaana lagu diidanyahay go’aanka Madaxweyne ee lagu magacaabay guddoomiyaha gobalka Banaadir.