MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ee kusugan Magaalada Muqdisho ee ka qeyb galay shirkii madasha wadatashiga Qaran ayaa Muqdisho ka bilaabay kulamo ay la qaadanayaan madax hore iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Mohammed Ahmed Othman Al-Hamadi.
Madaxweynaha ayaa kala hadlay safiirka xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha iyo sidii dowladda Imaaraadka Carabta ay u garab istaagi lahayd shacabka Soomaaliyeed xilligan adag, si loo dardargeliyo dadaallada, maadaama Maamulka Jubbaland uu ka mid yahay meelaha ay abaaruhu sida daran u saameeyeen. kaas oo u baahan gargaar dheeri ah.
Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Ra’iisul Waaaarahii hore ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyaga oo ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka.
Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle oo iyagana kusugan Magaalada muqdisho ayaa waxaa la filayaa inay Maanta kulamo gooni gooni ah la qaataan wakiilada Beesha Caalamka, halka Madaxweynaha Koonfur Galbeed isla shalay uu dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.