JOWHAR-AYAAMAHA-Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya ayaa maanta AS ka qabsaday degaano badan oo ku teedsan jiinka Wabiga Shabeelle ee mara degmada Balcad, waxayna caawa galeen tuulooyin badan oo hoos-yimaada Jowhar.
Ciidankaan oo uu hogaaminayo Xildhibaan Xaadoole, sidoo kalane ay la socdaan Saraakiil uu kamid yahay Yaasiin Geedi, Guddoomiye Maxamed Deeq Geedow iyo Abshir Kaaraan ayaa qabsaday degaanada kale ah, Jamceeco Misra, Maqdis, Baardheere, Gaashaanle, Tugaareey, Jameeco Mubaarak, Doonka Maxaa Colow iyo Mansaale
Sidoo kale ciidanka dowladda ayaa la sheegay in ay qabteen inkabadan 30 dagaalame oo katirsan kooxda AS, sida ay sheegeen qaar kamid ah saraakiisha amaanka ee ku sugan aaggaas.
AS ayaa hadda Balcad ka joogo oo kaliya Basra iyo degaano kale oo ku dhaw kadib markii ay dhawaan kasoo baxeen ciidanka dowladda, waana jiho ama aag kale oo u baahan in ay howlgal ay ka sameeyaan ciidanka dowladda si Balcad ay uga mid noqoto degmooyinka ka nabadoon AS.