MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ka soo qeyb galeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye.
Shirka ayaa Madaxdu uga wada hadli doonaan Xaaladda guud ee Dalka gaar ahaan Howlgalada socda dalka, ee ka dhanka ah AL-Shabaab, kuwaasi oo si dar-dar leh uga socda Gobolada dalka.
Shirkaan ayaa ka duwan shirarkii hore waxaana uu kusoo aadayaa Xili dalka ay si xooggan kaga bilowdeen dagaallo xooggan oo u dhexeeya Dowladda iyo AL-Shabaab, waxaana shirkaan si gaar ah diiradda loogu saari doonaa sidii loosie xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah AL-Shabaab.