Ciidamadda ATMIS oo wiil dhalinyaro ahaa si arxan daro ah ugu dilay duleedka Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mid kamid ah kolonyada gaadiidka ee ciidamadda ATMIS ay si arxan darro ah ugu dileen halkaasi wiil dhalinyaro ahaa.

Marxuumka ay dileen oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Faarax Fiidow ayaa kamid ah dhalinyarada firfircoon ee wax baratay, iyadoo ehelkiisa ay sheegeen in waxyeelada ugu badan ay ka soo gaartay qeybaha sare ee jirka sida madaxa, wajiga iyo feeraha, maadaama gawaaridooda waaweyn ui jiiray.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhaawac ahaan loola soo cararay Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasoo uu ugu danbeyntii maqribnimadii caawa uu ugu geeriyooday.

Ehelka marxuum C/raxmaan ayaa dowladda ka dalbaday iney u cadaalad helaan wiilkooda, iyadoo aan la ogeyn in gacanta lagu dhigay danbiilayaashii dilka ah ka danbeeyay.Ciidamadda ATMIS oo wiil dhalinyaro ahaa si arxan daro ah ugu dilay duleedka Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa waxa lagu sheegay in xillia shilka uu dhacayay uu Wiilka dhalinayrada  ah uu dhex maray labo gaari oo nuuca gaashaaman ah kadibna ay jiireen,isla markaana markii uu shilku dhacay ay dadku bilaabeen in ay ku soo xoomaan kolonyada oo ay xirteen wadada.

Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa dhowr jeer qeybo kamid ah magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda waxaa ay gawaaridooda ku jiirsiiyeen dad Shacab ah, hayeeshee aan weli la arag askari katirsan ATMIS oo falalkaas loo maxkamadeeyay.