MUQDISHO-AYAAMAHA-Axaddii la soo dhaafay Hay’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya waxay huteel ku yaalla gudaha garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ku xannibtay weriye Jamaal Cismaan oo ka tirsan telefishinka Channel 4 News ee fadhigiisu yahay waddanka Ingiriiska.
Wuxuu sheegay in markii uu ka soo dagay garoonka siddeeddii subaxnimo uu u gudbay huteelka, kadib ay labo nin oo dhalinyaro ka soo dabagaleen huteelka iyaga oo u sheegay inay hubinayeen in uu isaga yahay iyo inkale.
Waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay in laga hor istaago gelista magaalada Muqdisho, islamarkaana laga tarxiilo caasimada Soomaaliyeed.
“Shakhsi Soomaali ah in laga hor istaago gelitaanka caasimadda Muqdisho oo laga tarxiilo hoyga Soomaaliyeed waxay dhaawac weyn u gaysanaysaa jiritaanka Soomaalinimo. Taas waxaa garan karta inta damiir iyo dadnimo leh ee fahmi karta macnaha iyo mugga ay Soomaalinimadu leedahay,” ayuu yiri.
“Ujeedkoodu wuxuu ahaa in ay iga hor istaagaan shaqadeyda wariyennimo iyaga oo adeegsanaya hanjabaad iyo cabsi galin” ayuu yiri Jamaal.
Sidoo kale waxa uu sheegay in mid kamid ah taliyeyaasha hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ugu sababeeyay xanibaadiisa in uu bartimihii sanadkan wareysi la yeeshay madaxa Amniyaatka Al-Shabaab, Mahad Karatee.
“Waa la kala fikir duwanaan karaa, baasaboorro kala nooca ayaa la wadan karaa, waa la isdagaali karaa laakiin waxaa bulshada isku haya waa dhiiga iyo dhalashada Soomaali. Markay taas meesha ka baxdo waxaa go’aya xadhigii isku hayay bulshada.”