Khasaaro ka dhashayv dab xoog leh oo ka kacay Suuqa Bakaaraha

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dab xooggan oo geystay khasaaro hantiyadeed ayaa xalay ka kacay qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan qeybaha lagu iibiyo maacuunta, harqaanlayaasha Tafaariiqda, Dahabka iyo  Malabka.

Ciidamadda amaanka ayaa sugayay amniga gudaha suuqa iyo hreerihiisa, waxaana inta ay howsha daminta dabka uu socday la fasaxay socodka Mootooyinka oo istaagta habeenkii marka la gaari 12:00AM ee saqda dhexe.

Dabka oo socday saacado xiriir ah ayaa lagu guuleystay demintiisa abaare 1:30am saq dhexe ee xalay, waxaana deminta dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha iska kaashaday Maamulka Gobolka Banaadir iyo gaadiidka dab demiska ee Shirkaddaha gaarka loo leeyahay.

Waxaa jiro khasaare hantiyadeed oo aad u badan oo uu dabka sababay, balse wali tirakoob rasmi ah lagama soo saarin xadiga khasaaraha.

Qaar kamid ah Ganacsatada lahaa goobaha Ganacsi ee hubtay oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dabkii xoogganaa uu baabi’iyey goobo farabadan oo Ganacsi, isla markaana lagu waayay hanti farabadan oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Gaashaanle sare Macalin Mahdi oo ku sugnaa goobta Dabku ka kacay ee suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta dahablaha ayaa ciidanka amniga ee Booliska faray in ay sameeyeen feejignaan dheeri ah inta lagu jiray deminta dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha.

Si kastaba, Suuqyada ku yaala magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa waxaa ku badan dabka ka kaca goobaha ganacsiga, iyadoo uuna dabku gaysto burbur hantiyadeed oo ballaaran.