MUQDISHO-AYAAMAHA-Ururka bariga Afrika ee EAC ayaa lagu wadaa in si rasmi ah uu bilaabo hannaanka lagu xaqiijinayo in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay kusoo biirto ururkan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abshir Axmed Haruse, ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho, uga furay Shirka Hannaanka Xaqiijinta Shuruudaha looga baahanyahay Soomaaliya ee ku biirista Ururka gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (The East African Community-EAC) ayaa dhawaan bilowday hannaanka sida rasmiga ah loogu aqbalayo dalka Soomaaliya inuu xubin buuxda ka noqdo ururka, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu balaariyo fursadaha dhaqaale ee gobolka.
Shirkan ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana lagu gorfeyn shuruudaha looga baahan yahay Soomaaliya si ay uga mid noqoto EAC.
Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii.
Dalalka xubnaha ka ah EAC ayaa kala ah: Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, Tanzania, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Ganacsatada Soomaalida ah ayaa hanti muuqata ku leh dalalkaas marka laga reebo Burundi.