MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Soomaaliay ayaa shaacisay inay muddo labo maalmood ah ay xirayso isku socadka guud ee Caasimadda,waxaana la xirayaa Hawada iyo waddooyinka Caasimadda, sida lagu sheegay War-saaxafadeed kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.
Dowladda ayaa sheegtay in baahi ay keentay in labada maalmood ee maanta iyo beri la xadido dhaqdhaqaaqyada iyo weliba duulimaadyadii Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho,, isla markaana ay shacabka la dareemayso culeyska ay tallaabooyinkani leeyihiin.
Soomaaliya ayaa maanta martigelineysa shir ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan Wasiiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidammada ee dalalka deriska, loona yaqaano Dalalka Safka Hore. Waddamada Soomaaliya ku wehliya kulanka maanta ayaa kala ah Kenya, Djibouti iyo Ethiopia.
Qoraalka kasoo baxay dowladda waxaa lagu sheegay in kulanka maanta uu ku bilaabanayo hordhac, waxaana Soomaaliya ku wehlinaya Kenya, Djibouti iyo Ethiopia, waxayna dhinacyadan diyaarinayaan ajendaha shirweynaha oo beri si rasmi ah u furmi doono.
Sidoo kale waxaa shikan oo uu horkacayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu gorfeynayaa dhammeystirka hawlgallada dib u xoreynta ee haatan ka socdo dalka, isku dubaridka taageerada muhiimka ee Dalalka Safka Hore iyo iskaashiga dalalkan ee howlgallada ka socda Soomaaliya.