Xildhibaan ka titsanaa Jubbaland oo Muqdisho lagu dilay.

Askari lagu dilay Muqdisho
Askari lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboeedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland iyo guud ahaan shacabka Jubaland geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Isaaq Maxamed Xasan oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in dagaalamaayal ka tirsan AL-shabaab ay Xildhibaanka dileen isagoo kasoo baxay masaajid uu ku tukaday Saladii makhrib ee xalay.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay inuu marxuumka ka waraabiyo janadii fardowso ehelkii iyo guud ahaan shacabka Jubaland ee uu ka baxayna rabi samir iyo iimaan ka siiyo.