MUQDISHO-AYAAMAHA-Khasaaro xoogan ayaa ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay deegaanka Ceel Bacad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo Macawiisleyda ay ku leeyihiin deegaankaas oo ku yaalla xadka Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalka uu ahaa mid xoogan, isla-markaana uu saacado qaatay, kaas oo uu khasaare kasoo gaaray labada dhinac.
General Maxamed Axmed Tareedishe oo ka mid ah saraakiisha hoggoomineysa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo HirShabelle ayaa ka warbixiyay dagaalka ka dhacay halkaasi, kadib markii uu u waramay mid kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee Muqdisho.
Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in dagaalkan ay ku dileen ugu yaraan illaa 9 xubnood oo ka tirsanaa Shabaab, dhankoodana ay ka dhinteen 5 askari, sida uu hadalka u dhigay.
Majiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay ee ku qaadeen saldhiga Ceel Bacad oo ka tirsan Shabeelaha Dhexe.