Emmanuel Macron oo si weyn u difaacay Madaxweynaha Ruushka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay inuu rabo in Ruushka looga adkaado dagaalka Ukraine, balse aanu dooneyn in la gaarsiiyo heer u uku burburo waddankaas dullaanka qaaday.

Macron oo la hadlayay warbaahinta Faransiiska ku hadasha ayaa ugu baaqay waddamada Galbeedka inay kordhiyaan taageerada milateri ee ay siiyaan Ukraine, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay dagaal daba-dheeraada.

“Waxaan rabaa in Ruushka looga adkaado dagaalkan, oo Ukraine ay difaacato dhulkeeda,” ayuu yiri Madaxweynaha Faransiiska.

Balse waxa uu diidday fekerka ah in dagaalka la gaarsiiyo ilaa gudaha Ruushka, si loo maquuniyo xukuumadda Moscow.

“Anigu ma qaba fekerka ah in Ruushka si buuxda looga adkaado, oo dagaalka la gaarsiiyo gudaha dalkaas. Kuwa fekerkaas qaba waxa ay doonayaan in la burburiyo Ruushka, ma aha arrin aan taageersanahay,” ayuu hogaamiyaha Faransiiska u sheegay wargeyska Le Journal du Dimanche.

Hadalka Macron ayaa ku beegmay xilli hogaamiyayaasha ka qeybgalaya Shirka Amniga ee Munich ay ballanqaadeen inay dedejin doonaan hubka ay ku taageeraan Kyiv, isla markaana ay adkeyn doonaan cunaqabateynta saaran Ruushka.

Macron ayaa khudbaddiisa Munich ku sheegay in haatan aan la joogin xilli lala xaajoodo xukuumadda Moscow, balse wadahadal nabadeed uu yahay xalka ugu dambeeya ee laga gaari karo dagaalka Ukraine.

Hase yeeshee ma muuqata in xilli dhaw uu billaaban doono wadaxaajood ku aaddan dagaalka Ukraine.

Jimcihii, wasiirka arrimaha dibedda Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa soo dhaweeyay go’aanka shirka Munich looga reebay Ruushka.