Askari lagu soo tababaray Eritrea oo Dil ka geystay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Askar ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa duhurnimadii Maanta wiil Arday ahaa oo saarnaa Mooto Bajaaj ku dilay bartamaha isgoyska Baar-ubax ee magaalada Muqdisho.

Wiilka dhintay ayaa saarnaa mooto bajaaj mareysay meel ku dhaw isgoyska Baar Ubax ee degmada Howlwadaag,markii rasaas ciidanka ay fureen haleeshay.

Goob joogayaal waxay sheegeen in ciidanka ay iska sii gudbeen iyadoo dhiig bax uu meesha ugu dhintay wiilkaasi yar iyadoo muddo ay waalidiintiisa is helin oo meydka meesha laga soo qaaday goob gaar ahna la geeyey.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo batay dilalka ay geysanayaan Askarta ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana maalmo kahor Askar hubeysan ay darawal Mooto Bajaaj ku dileen Isgoyska Ceel-gaabta.