MUQDISHO-AYAAMAHA-Robert Kyagulanyi, oo caan ku ah magaca Bobi Wine, ayaa sheegay inuu matalaya dhallinyarada dalka, halka Yoweri Museveni, oo 76 sano jir ah, uu ku ololeyanaya inuu dalka Uganda u horseeday xasillooni.
Ololaha doorashada waxaa hareeyay rabshado, iyadoo daraasiin dad ah ay ku dhinteen.
Horraantii isbucan waxaa la xannibay dhammaan baraha bulshada ka dib markii shirkadda Facebook ay xayiraad ku soo rogtay dhowr cinwaan oo xiriir la lahaa xisbiga talada haya.
Goobaha codbixinta ayaa lagu waday inay furmaan 07:00 subaxnimo, balse dhowr goobood ayaa laga so wariyay inuu jiray dib u dhac. Natiijada ugu horreysa waxaa la filayaa inay soo baxda Sabtida.
Madaxweyne Museveni ayaa markii lixaad u tartamaya xilkan oo uu 35 sano hayay.
Ololaha ayaa laga mamnuucay caasimadda Kampala iyo degmooyin kale. Mucaaradka ayaa sheegay inay sababtu tahay maadama ay ku xooggan yihiin degmooyinkaasi. Balse dowladda ayaa sheegtay in tillaabadaasi looga gol leeyahay in laga hortaga faafitaanka Covid19.
Musharrixiinta mucaaradka oo uu ku jira Bobi Wine – iyo taageerayaashooda ayaa dhowr jeer la xiray.
50 qof ka badan ayaa la dilay bishii Nofeembar markii la xiray Bob Wine.
Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday Arbacadii inuu la baxaya saraakiisha korjoogteyn lahaa doorashada, ka dib markii oggolaanshihii ahaa inay doorashada dusha kala socdaan lagala noqday.