Muqdisho-ayaamaha-Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Ku xigeennada Aqalka Sare iyo dhammaan howl-wadeennada Aqalka Sare waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan qoyska, ehelada iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Senator Maxamed Cali Yuusuf oo ku geeriyooday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.
Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab wuxuu muddo dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, isaga oo kaalin wanaagsan ku lahaa dowlad-dhiska Soomaaliya, wuxuu ahaa aqoonyahan, waddani, xilal kala duwan ka soo qabtay dalka ooy ka mid ahaayeen Madaxwayne ku xigeenka Puntland, Wasiirka Maaliyadda Puntland, iyo haatan uu ahaa Sentor ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaa
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Ku xigeennada Aqalka Sare, hab-dhowraha, Senatorrada, Xoghayaha Guud iyo dhammaan howl-wadeennada Aqalka Sare waxay Ilaahay SWT u waydiinayaan inuu jannadii fardowso ka waraabiyo marxuumka, qoyska, qaraabada iyo ehelada uu samir iyo iimaan ka siiyo.