XOG:- Yaa iska leh Isbitaalka lagu dhisay 12-ka Milyan laguna qarash gareeyey 30 milyan dollar?

MUQDISHO-AYAAMAHA- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray Isbitaalka Hodan Hospital oo laga furay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, iyadoo ay ka qeyb galeen qaar kamid ah madaxda dowladda.

Sida aan xogta ku helnay Hodan Hospital ayaa waxaa iska leh qoyska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Isbitaalkan oo loo dhisay qaab casri ah ayaa qarashka ku baxay lagu sheegay lacag dhan 12 milyan oo doolar, lacagtaas oo inta badan la tuhunsanyahay in qoyska madaxweynaha ay leeyihiin.

Siyaasiyiinta mucaarad ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeynaya in arrimo aan loo baahaneyn waqtigiisa ku lumiyo sida inuu xariga ka jaro isbitaaal ay leeyihiin qoyskiisa, halka uu jaanis u waayey furitaanka Baarlamaanka Soomaaliya oo illaa hadda darii loo shaacin la yahay waqtiga furitaanka Baarlamaanka oo markiisi hore taariikhda uu furmaaya lagu sheegay 6da febraayo 2025.

Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta qaar ayaa ku eedeynaya in Baarlamaanka uu u afduubanyahay Madaxwryne Xasan Sheekh Maxamuud asigoo u adeegsanaayo Guddoonka Baarlamaanka.