DEG DEG:-Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la saxiixay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadka soo socda ku bilaaban doono buuq iyo mowjado siyaasadeed, kaasi oo saameyn ku yeelan doono xukuumadda uu hoggaamiyo R/wasaaraha Soomaaliya.

Xildhibaanada mucaaradsan xukuumadda ra’iisul wasaare Xamsa ayaa diyaariyay mooshin xilka loogu qaadayo xukuumadda, iyagoo ku eedeeyay inay ka fashilan tahay waxyaabaha ay u egmadeen in ay wax ka qabato.

Ma cadda tirada xildhibaanada ah ee mooshinka diyaarisay, balse waxay wararka qaar sheegayaan in ay gaarayaan ku dhawaad 100 mudane.

Guuxa ugu weyn ee Muqdisho ka socda ayaa waxaa uu yahay loolanka loogu jiro kasbashada Xildhibaanada, iyadoo aanay ka marneyn balan-qaadyo xilal iyo mid lacageed cidii guushu dhinac raacdo oo ay u sameyneyso midba midka kale ee taageerada raadsanaya.

Guddoonka golaha shacabka lama oga sida uu u maareyn doono fadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama kulankan uu yahay mid xasaasi ah, islamarkaana xildhibaanada Mucaaradka ah ay wadaan abaabulka iyo ololihii ugu dambeeyayay ugu jiraan siddii xilka ugu qaadi lahaayeen Xukuumadda Soomaaliya.

Todobaadka soo socda ayaa isha lagu wada haya kulanka Baarlamaanka iyo sida uu ku bilaaban doono, maadaama fadhigan uu furayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.