MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, ayaa dekedda Baraawe ku wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Kuwait.
Sidan aan wararka ku helnay Lafta-gareen la gaaray heshiis shirkaddan oo lagu magacaabo Arab Digital Holding uu la wareegi doonto maamulka dekedda Baraawe muddo dhan 25 sano ah.
Shirkaddan laga leeyahay Kuwait ayaa fulinta qorshahan la kaashaneysa shirkad kale oo lagu magacaabo MYD, taasoo laga leeyahay dalka Masar.
Doorka MYD ayaa ah in si casriyeysan loo dhiso dekedda Baraawe, iyadoo xoogga la saarayo marsada iyo goobaha dadka soo jiidan kara, si dhaqaale badan halkaas uga soo xaroodo.
Qiimaha ku baxaya heshiiskan ayaa sidoo kale lagu sheegay ($500 oo milyan), waxaana la horumarinayaa dekedda Baraawe, iyadoo la maalgelinayo ka faa’iideysiga macdanta ku jirta dhulka, sida shidaalka.