MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka booliiska magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen afar nin oo u dhashay dalka Yemen, kuwaas oo la soo qabtay, iyaga oo guri magaalada ku yaalla dawooyin been abuur ah ku guraya kartoonno la beddelay taariikhdooda.
Saraakiisha ammaanka ayaa u sheegay weriyeyaasha in raggan ay ku soo qabteen hawlgal ay ka fuliyeen mid ka mid ah xaafadaha Hargeysa, oo raggan eedeysanayaasha ahi ku farsamaynayeen waqtiga la qabtay dawooyinka xilligoodu dhacay.
Afartaan nin oo la sheegay inay kasoo jeedaan dalka Yemen, ayay ciidanku sheegeen in ay baadhis ka dib u gudbinayaa maxkamadda si loogu soo oogo eedaha loo haysto.
Ciidanka Booliska ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in ay Maxkamadda u gudbin doonaan raggan ay qabteen, si sharciga loo horgeeyo.
Deegaannada Somaliland ayaa waxa muddooyinkii u dambeeyey ku soo noq-noqonayey cabasho la xidhiidha tayada dawooyinka Somaliland soo gala, kuwaas oo qaarkood dhibaatooyin caafimaad bulshada ku keenaan.