
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyay shirka siyaasadeed ee lagu wado in uu ka dhaco magaalada Kismaayo, kaas oo looga gol-leeyahay in lagu helo aragti mideysa Soomaalida iyo hannaan doorasho oo hufan oo ka wanaagsan kuwii hore.
Sheekh Shariif oo wareysi siiyay BBC Somali ayaa sheegay in ajendaha shirka uu yahay:
- In la abuuro aragti mideysa dhammaan dhinacyada siyaasadda
- In la helo hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo
- In la dhimo khilaafaadka siyaasadeed ee soo noq-noqday
Madaxweynihii hore wuxuu caddeeyay in shirka ay ka qaybgelayaan:
- Golaha Samatabixinta Qaranka
- Maamulada Puntland iyo Jubbaland
- Iyo cid kasta oo loo arko in ay mudan tahay ka qaybgal
Sheekh Shariif wuxuu hoosta ka xariiqay in shirka guud ee Soomaalida aysan jirin cid laga xanibi karo, isagoo sheegay:
“Qof kasta oo qiime leh—ha ahaado madaxweyne hore ama cid kale—cidna looma diidi karo.” Ayuu yiri Shariif
Sheekh Shariif ayaa sheegay in murannada siyaasadeed ee taagan loo arki karo kuwo la xiriira dastuurka iyo doorashooyinka, ayna jiraan cabsi ku saabsan in lagu sii jeedo muddo kororsi.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u sheegay inuusan dooneyn muddo kororsi, iyadoo muddo xileedkiisuna uu ka harsan yahay ku dhowaad lix bilood.
Markii la weydiiyay nooca doorasho ee mucaaradku doonayaan haddii aysan aqbalayn nidaamka “qof iyo cod,” Sheekh Shariif wuxuu ku jawaabay:
“Doorashada aan ka hadlayno waa mabaadi’ ay ka fiican tahay tii hore, musuqmaasuqeediina uu yar yahay.”
Wuxuu intaas ku daray in doorashooyinkii hore ay ka buuxeen musuqmaasuq baahsan oo dhaawacay kalsoonida shacabka.










