Shirweynaha Aayo-Katashiga Soomaaliyeed oo War-Murtiyeed Culus ka Soo Saaray Kismaayo

Hoggaamiyeyaal iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ku fadhiya fagaaraha Shirweynaha Aayo-Katashiga Soomaaliyeed ee Kismaayo, iyagoo dhageysanaya munaasabadda lagu soo bandhigay war-murtiyeedka shirweynaha, December 2025.
Hoggaamiyeyaal siyaasadeed, xildhibaano iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah oo ka qeybgalaya Shirweynaha Aayo-Katashiga Soomaaliyeed ee Kismaayo, kaas oo war-murtiyeed adag laga soo saaray 20 December 2025.

(Kismaayo – 20 December 2025) Shirweynaha Aayo-Katashiga Soomaaliyeed oo muddo saddex maalmood ah (18–20 December 2025) ka socday magaalada Kismaayo, ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay war-murtiyeed si adag u falanqeeyay xaaladda siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bani’aadanimo ee dalka Soomaaliya.

Shirweynahan oo ay isugu yimaadeen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, mudanayaal ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin hore xilal u soo qabtay, iyo xubno ka socday ururrada bulshada rayidka ah, ayaa si qoto dheer u lafa-guray caqabadaha waaweyn ee dalka wajahaya.

War-murtiyeedka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo shirweynuhu sheegay in xukuumadda hadda jirta ay ku fashilantay hoggaaminta siyaasadda, sugidda amniga iyo horumarinta dalka. Qoraalka ayaa tilmaamay in la dayacay dagaalka ka dhanka ah ee Dowlada kula jirto Alshabaab, isla markaana ay hoos u dhacday niyaddii iyo kala dambeyntii ciidamada qalabka sida, taas oo lagu sababeeyay musuq, eex iyo ku takrifal awoodeed.

Sidoo kale, shirweynuhu wuxuu ku eedeeyay maamulka federaalka in uu ku kacay wax-ka-beddel hal dhinac ah oo lagu sameeyay Dastuurka Kumeel-gaarka ah, taas oo lagu sheegay “waxba kama jiraan” isla markaana halis ku ah midnimada iyo xasilloonida dalka.

Shirweynuhu wuxuu si cad u adkeeyay in muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka uu ku egyahay 14-ka April 2026, halka kan Madaxweynaha uu ku eg yahay 15-ka May 2026, isaga oo si buuxda u diiday wax kasta oo muddo-kororsi ah. Waxa kale oo la muujiyay diyaar garow ku aaddan wadahadal lagu gaarayo doorasho heshiis lagu yahay, daahfuran, kuna dhacda waqtigeeda.

War-murtiyeedku wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in muddo bil gudaheed ah (illaa 20-ka January 2026) uu isugu yeero saamileyda siyaasadeed si looga heshiiyo hannaan doorasho oo loo dhan yahay. Haddii taas la iska indho-tiro, shirweynuhu wuxuu sheegay in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu qaadi doono tallaabooyin looga hortagayo firaaq dastuuri ah.

Shirweynuhu wuxuu ka digay xaaladda amni ee sii xumaanaysa iyo halista kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish. Waxa kale oo uu cambaareeyay barakicinta danyarta, xaraashka hantida qaranka, iyo caburinta saxaafadda madaxa-bannaan iyo bulshada rayidka ah. Dhanka kale, shirweynuhu wuxuu bogaadiyay geesinimada ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka, isagoo muujiyay garab istaag buuxa oo loo hayo.

Ugu dambeyntii, Shirweynaha Aayo-Katashiga Soomaaliyeed wuxuu baaq u diray shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan badbaadinta mustaqbalka dalka, halka beesha caalamkana looga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, laguna dhiirrigeliyay inay door muuqda ka qaataan qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay.

Shirweynuhu sidoo kale wuxuu uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Jubaland soo dhaweynta iyo martigelinta heerka sare ah ee ay u fidiyeen martida ka qaybgalaysay shirweynaha.