Muqdisho-Ayaamaha-Wasaarada arrimaha gudaha ee XFS ayaa ku dhawaaqday in gudoomiye degmo oo cusub ay u magacowday degmada Waajid ee gobalka Bakool, kaas oo hoosta a Maamulka Koonfur galbeed xili ay sii xoogeysatay xiisadda u dhaxaysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulkas.
Qoraal kasoo baxay wasaarada arrimaha gudaha ayaa lagu shaaciyey gudoomiyaha degmada Waajid, kuxigeenadiisa Amniga iyo Arrimaha Bulshada iyo Xoghayahq degmada.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xili shalay laga soo celiyey Waajid diyaarad & ciidan ay dawladda Faderaalka dooneysay in ay geyso, taas oo siday hub iyo ciidan.











